Jose Mourinho Oo Ku Soo Laabanaya Premier League, Kooxdee Doonaysa.

Tababare Jose Mourinho ayaa laga yaabaa in uu ku soo laaban karo premier League bilo kadib markii uu ka tagay kooxda Tottenham.

Kooxda Everton ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la qaadatay tababarihii hore ee Man United iyo chelsea si uu tababare ugu noqdo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Jose Mourinho ayaa dhankiisa ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican ka soo saaro kooxda Roma oo uu taabbare u noqdo bilowgii xilli ciyaareedkan.

Everton ayaa doonaysa in uu Jose Mourinho shaqada ka badalo Rafa Benitez kaas oo ay shaqada ka caydhisay kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Shabakada Sky ayaa sheegaysa in ay kooxda Everton wadahadalo hordhac ah la qaadatay Tababare Jose Mourinho si ay ugu qanciyaan in uu ku soo laabto premier League.