Jose Mourinho Oo Ku Digtay Xiddigaha Xulka England U Ciyaara Kadib Markii Saddexda Libaax Lagu Garaacay Euro 2020.

Jose Mourinho Luke Shaw u magacaabay xiddigaha ay ahayd in ay laagtaan rikoodhada kulankii uu xulka England guuldarada kala kulmay xulka Italy final-kii euro 2020.

Mourinho ayaa sheegay in ahayd in uu Luke Shaw Bukayo Saka ka badalo laagista rikoodha xulka qaranka England final-ka euro 2020.

Xulka England ayaaa guuldaro 4/2 ah oo rikoodhayaal ah kala kulmay xulka Italy kuwaas oo markii 2-aad ee taariikhdooda ku guulaystay koobka euro-da.

Mourinho ayaa u sheegay talkSPORT”Xaaladdan oo kale, xaggee joogay Raheem Sterling? Aaway John Stones? Aaway Luke Shaw? Muxuu Jordan Henderson ama Kyle Walker u sii joogi waayey garoonka?

“Sababtoo ah run ahaantii aad iyo aad ayey ugu adag tahay Marcus Rashford iyo Jadon Sancho inay yimaadaan oo ay rigoore qaataan ka dib hal taabashada kubada”.

“Laakiin Saka inuu mustaqbalka dalka oo dhan garabkiisa saaro way adagtahay”.

“Waan ka hadli karnaa sidii ay maalmihii hore ugu fiicnaayeen rikoodhayaasha, laakiin in aad rikoodhayaal ku laadato tababarka iyo in aad ciyaarta dhexdeeda ku laadato way kala duwantahay”.

“Waan ka xumahay wixii ku dhacay Saka”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*