Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Dhaawacii Harruy kae Ku Gaaray Kulankii Everton Ee Xalay.

Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay xaaladda dhaawac ee Harry Kane kaasi oo lagu heleelay kulankii Everton .

Labadaas koox ayaa xalay ku kulmay wareegga 33-aad ee horyaalka Ingiriiska xilligaas oo ay galeen bar bar dhac min laba gool ah .

Harry Kane ayaa la arkayay isaga oo lutinayay ka dib markii ciyaarta dhamaatay , waxa uuna Harry lahaa goolkii labaad ee bar bar dhaca

BBC Sport ayuu Jose ka yiri ” waa waqti hore in aan wax ka sheegno dhaawaca Harry inkastoo loo jeeday in uu garoonka ka baxay wax yar ka hor dhamadkii ciyaarta , laga yaabee in uu xoogaa uu wax dareemay”.

” Ii Ogalaada in aan niyad wanaag ka muujiyoi dhaawaciisa, waxa uu haystaa waqti uu ku soo kabsado , aan aragno waxa dhaca”

Waxa uu Jose intaas sii raaciyay ” waxaan aaminsanahay in wax halis ah aysan jririn”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*