
Xiddiga Chelsea ee Jorginho ayaa daboolka ka qaaday in uu doonayo in uu baaqi ku sii ahaado kooxdaas ka dib markii ay so baxeen warar sheegayay in uu baxayo
Hishiiska qadkaas dhexe ayaa dhamaanaya xagaaga 2023-la walina looma soo bandhigin qandaraas cusub .
Ka dib hoos u dhac ku yimid heer ciyaareedkiisa waxa ay taasi xoojisay xogaha tilmaamayay in uu baxayo kuna laabanayo Italy
The Atletic ayaa haatan qoreysa in laacibka uu yiri” kulamo badan ayaan ciyaaray taasi ayaana saameysay waqti kooban heer ciyaareedkeyga”.
“Tababaraha waa uu fahmay xaalkeyga waa uuna i siiyay nasiino xoogaa , waxaan haminayaa in aan heerkii hore ku soo laabto”.
“Waxaan u hammuun qabaa xilli ciyaareedka dambe waxaan doonayaa in aan halkaan sii joogo oo aan wax muuqdo sameeyo” ayuu sii raaciyay Gerginho
“Kama fikarayo in aan meel kale aado , hishiiskeyga ma uusan dhamaan weli”.