Jordan Henderson Oo U Jawaaabay Troy Deeney & N’Golo Kante Oo Diiday In Ay Tababarka Ku Soo Laabtaan.

Kabtanka Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa Xiddigaha Troy Deeney iyo N’Golo Kante ku garab istaagay go’aankii ay ku diideen in ay dib ugu soo laabtaan tababarka Watford iyo Chelsea.

Labada xiddig ayaa loo ogolaaday inay guryahooda iska joogaan kadib markii ay wal-wal ka muujiyeen dib u bilaabashada horyaalka premier League.

Todobaadkan dhamaan 20-ka kooxood ayaa ku soo laabtay tababarka ama ku soo laaban doona iyaga oo tababarka u qaadan doona xiddigo min 5 ah.

Waxa kooxahaas ka mid ah hogaamiyayaasha horyaalka premier League kuwaas oo ku soo laabtay Melwood si ay ugu diyaar garoobaan soo laabashada horyaalka bisha dambe.

Henderson ayaa door weyn ka qaatay dhaq-dhaqaaqa ka baxsan garoonka tan ilaa markii la joojiyay ciyaaraha isaga oo kabtanada kala qayb qaatay caawimo ay u bixiyeen dhakhaatiirta la dagaalamaysa xanuunka Korona.

Advertisements

Kabtanka Liverpool ayaana haatan difaacay go’aankii ay xiddigaha Deeney iyo Kante ku doorteen in ayna kaga soo qayb qaadan tababarka sababo shaqsi ah darteed.

“Aad ayaan u Ixtirmaamayaa go’aankooda ay ku diideen ku soo laabashada tababarka”ayuu Henderson u sheegay Sky.

“Waxan u malaynayaa in uu qof walba ku jiro xaalad gaar ah oo dhanka qoyska ah”.

“Ugu dambayn hadii aanad dareemayn in aad Amaantahay ma fiican in cadaadis lagugu saaro in aad ku soo laabato tababarka”.

“Waan Ixtiraamayaa xiddigaha aan raaxo ku dareemin in ay ku soo laabtaan tababarka aniguna waxa aan rajaynayaa in ay Ixtiraaman go’aanka aan ugu soo laabtay tababarka aniga iyo xiddigaha kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

“Qof walba waxa uu ku jiraa xaalad gaar ah, anigu waxa aan dareemayaa Amaan in aan ku tababarto garoonka hadii aanan dareemayn maan yimaadeen sidoo kale xiddigaha aan isku kooxda nahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*