Jordan Henderson Oo U Cabsaday Mustaqbalkiisa Liverpool Kadib Imaatinkii Fabinho Ee Liverpool, Muxuu Sameeyay?

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray Jurgen Klopp Si uu tababaraha wax uga waydiiyo doorkiisa kooxda kadib wal-wal ka soo wajahay mustaqbalkiisa kooxda.

Henderson ayaa fure u ahaa ku guulaysigii Liverpool ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.

Fabinho ayaa sidoo kale muhiim ka ahaa kooxda Liverpool xilli ciyaareedkeedii hore iyada oo Henderson booska laga baday.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in saamayntii uu Fabinho ku yeeshay kooxda in uu sabab u noqday in uu Henderson u cabsado mustaqbalkiisa kooxda.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Henderson u tagay tababare Klopp si uu wax uga waydiiyo mustaqbalkiisa kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*