Jordan Henderson Oo Shir Deg-deg Ah Uu yeedhay Kabtanada Premier League & Sababta Oo La Ogaaday.

Kabtanka Kooxda Liverpool ee Jordan Henderson ayaa lagu soo waramayaa in uu shir deg-deg ah isugu yeedhay kabtanada kooxaha Premier League sabab la xidhiidha tartanka European Super League.

6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premeir League ayaa ku biiray Liiska kooxo yurub ah kuwaas oo ku midoobay tartanka European Super League iyaga oo isaga baxaya tartanka champions League.

Liverpool ayaa ka mid ah kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal kuwaas oo ku biiray Liiska 12 kooxood oo abuuray tartanka cusub ee European Super League.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson isugu yeedhay shir deg-deg ah kabtanada kooxaha Premeir League si ay uga wadahadlaan tartanka European Super League.

Kabtanada Premier League ayaa la filayaa in ay shirkaas ku qaadan doonaan go’aankooda ku aadan tartanka muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*