“Joojiya In Aan Mar-Marsiyo ka Dhigataan Bixitaanka Lionel Messi”.

Ronald Koeman ayaa cadaadis kala kulmay Nou Camp ka dib markii Barcelona ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka, taasoo keentay inay durbaba shan dhibcood ka hooseeyaan hogaamiyaasha Real Madrid, ka dib seddex barbaro iyo guuldarro.

Tababaraha ayaa dhawaan sheegay inaan laga filan karin inuu sameeyo wax ka wanaagsan sida uu haatan ku bilowday sabab la xidhiidha in ay kooxdu lumisay Lionel Messi.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Atletico Madrid Simeone ayaan aqbalayn mar-marsiyaha Barcelona isaga oo aaminsan in ay Barcelona mar-marsiyo ka dhigaysa bixitaanka Lionel Messi.

Tababaraha Argentina ayaa qaba in Koeman uu heysto ciyaartoy badan oo tayo leh si Koeman uu u noqdo mid guuleysta, wuxuuna tilmaamay inuusan waligiis haysan Messi laakiin uu guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

“Barca ma haysato Messi?” Simeone ayaa La weydiiyay barnaamijka Diario Ole ee ka baxa TV -ga Argentina.

“Bal Fiiri kooxdooda, Sergi Roberto, Sergino Dest, Gerard Pique, Clement Lenglet, Ronald Araujo, Jordi Alba, Alejandro Balde oo 17 sano jiro, Pedri, Gavi ma aragtay sidii uu u ciyaaray kulankii Italy”.

“Ousmane Dembele, Serigo Aguero, Ansu Fati, Frenkie De Jong, Memphis Depay, Philippe iyo Coutinh”.

“Waxa ay Lumiyeen Messi, maya, ma qaadanayo waxaas, Aniguba waligay ma haysan Messi, joojiya Mar-Marsiiyaha”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*