John Obi Oo Qiimeeyay Fursadaha Arsenal Ee Ku Guulaysiga Champions League Iyo Premier League.

John Obi Mikel ayaa aaminsan in Arsenal ay awood u leeyihiin inay xilli ciyaareedkan ku guuleystaan labadaba Premier League iyo Champions League, isla markaana uu Mikel Arteta hayo kooxdii ugu awoodda badnayd ee Yurub.

Arsenal ayaa haatan afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League, iyagoo sidoo kale toddobo dhibcood ka sarreeya kooxdii difaacanaysay koobka, Liverpool.

Kooxda Arteta ayaa sidoo kale si cajiib ah ku bilaabatay ololahooda Champions League, iyagoo garaacay Athletic Bilbao, Olympiacos iyo Atletico Madrid iyagoo aan wax gool ah laga dhalin.

Obi Mikel, oo labo jeer ku guuleystay horyaalka Premier League intii uu Chelsea ciyaaryahan ka ahaa, ayaa sheegay in Arsenal ay yihiin musharrixiinta ugu cadcad ee ku guuleysan kara horyaalka xilli ciyaareedkan, wuxuuna sheegay in xulashada ciyaartoyda uu Arteta haysto ay tahay “mid cabsi leh.”

“Xilli ciyaareedkan waxaan aaminsanahay in horyaalku yahay mid Arsenal ay iska lumin karaan oo keliya,” ayuu yiri Obi Mikel mar uu ka hadlayay barnaamijka The Obi One Podcast.

Haddii Arsenal iyo Mikel Arteta aanay ku guuleysan Premier League… kooxda iyo kaydka ciyaartoyda ay hayaan waa kuwo cabsi leh,” ayuu yiri Obi Mikel.

“Waxay haystaan kooxda ugu fiican, ma aha oo keliya Premier League ama England, balse guud ahaan kubadda cagta adduunka waqtigan. Waxaan hubaa in aan jirin koox leh keyd ciyaartoy oo ka xoog badan midda Arsenal.”

“Waxaan ka hadlaynaa Premier League, laakiin waxaan aaminsanahay inay sii wadi karaan guusha ilaa ay ku guuleystaan Champions League — taa ayaa muujinaysa sida ay Arsenal u wanaagsan yihiin,” ayuu yiri Obi Mikel.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga