Joe Cole Oo Saadaaliyay Halka Ay Kooxaha Premier League Ka Gaadhi Doonaan Champions League Xilli Ciyaareedkan

Markii uu Joe Cole ciyaarayay kubada cagta waxa uu ka mid ahaa koox xiddigo ah oo nasiib u yeeshay in ay ciyaaraan final-ka champions League.

Laakiin Wakhtiga ayaa is badalay haatan xiddigaha reer England ee ciyaaray final-ka champions League ayaa tiro beel noqday.

Haatan Cole ayaa rumaysan in ay xiddigo premier League ah ku guulaysan doonaan champions league xilli uu tartanku si Rasmi ah u furmi doono maalinta Salaasada ee bari.

Cole oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”waan yaabi doonaa hadii ayna ugu yaraan laba kooxood oo premier League ah iska xaadirin final-ka final-ka champions League, ama ayna 3 ama 4 kooxo gaadhin Semi-final-ka”.

“Waxa ugu fiican ayaa ah in kubada England muddo 10 sano ah ayna ka ciyaari jirin xiddigaha reer England final-ka champions League laakiin haatan kooxaha Man City, Liverpool, Chelsea iyo Man United ayaa dhamaantood haysata xiddigo reer England ah”

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*