Joe Cole Oo Magacaabay Kabtanka Ugu Fiican Taariikhda Premier League.

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea Joe Cole ayaa ku sifeeyay John Terry inuu yahay ‘hogaamiye cajiib ah’ iyo ‘kabtanka ugu fiican’ taariikhda Premier League.

Terry ayaa 19 sano oo uu Koobab kula guulaystay ku qaatay Chelsea isaga oo ah Kabtanka ugu guulaha badan taariikhda kooxda isaga oo ku guulaystay kooba walba intii uu joogay kooxda Stamford Bridge ka hor intii uuna ka tagin kooxda si uu ugu biiro Aston Villa.

Cole ayaa ka garab ciyaaray Terry 7 sano intii u dhexaysay 2003 ilaa 2010 waxana uu amaanay awooda xiddigii hore ay isku kooxda ahaayeen.

Xiddigii hore ee xulka England ayaa ka soo hoos shaqeeyay qaar ka mid ah kabtanada ugu fiican England oo ay ka mid yihiin Steven Gerrard markii uu joogay Liverpool laakiin waxa uu Terry u magacaabay kabtana ugu fiican.

“Waxa uu kaliya ahaa kabtan cajiib ah oo ay koox walba doonaysay in ay hesho”.

Advertisements

Premier League ayay ka soo ciyaareen kabtano badan oo cajiib ah sanadihii uu dhisnaa laakiin Cole ayaa rumaysan in Terry oo sidoo kale kabtan u ahaa xulka qaranka England yahay kabtanka ugu fiican taariikhda.

“Waxa aan odhan karaa waa kabtanka ugu fiican ee Abid soo mara premier League, waxa jiri doonta muran dhawr kabtan ah laakiin John Terry ayaa ugu sareeya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*