Joe Cole Oo Magacaabay Daafaca Kaliya Ee Haatan Ka Fiican Thiago Silva.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea Joe Cole ayaa sheegay in daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk yahay daafaca kaliya ee Premier League kaga fiican daafaca Blues ee Thiago Silva.

Silva ayaa si deg-deg ah xiddig muhiim ah ugu noqday kooxda Frank Lampard isaga oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay labadii bilood ee uu joogay kooxda chelsea waliba Kooxda ka caawiyay in ay shabaqeeda ilaashato 3 ka mid ah 4 kulan oo uu ciyaaray premier League.

“Waxa uu ka mid ahaa daafacyada ugu fiican jiilkiisa laakiin marka loo eego in uu jiro 36 jir waxa laga wal-walayay sida uu ula qasanayo Premier League laakiin haatan waxa uu muujiyay in uu ku jiro heer kale”.

“Waxa aan odhan karaa haatan waa daafaca 2-aad ee ugu fiican Premier League kaliya waxa uu ka dambeeyaa Van Dijk, waxana uu chelsea keenay tayo iyo hogaamin”..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*