Joan Laporta: Bixitaanka Lionel Messi? Barcelona Ayaa Xiddig Walba Ka Weyn.

Madaxweynaha haatan ee Barcelona, ​​Joan Laporta, ayaa mar kale sheegay sababihii uu Lionel Messi uga soo tagay Blaugrana isagoo carabka ku adkeeyay kooxda Barcelona ka sarayso xiddig kasta.

Halyeeyga Barcelona Lionel Messi ayaa kooxda ka tagay xagaagii kadib markii uu dhacay qandaraaskiisa, kadibna wuxuu ku biiray kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Barcelona ayaa isku dayday inay ceshato Lionel Messi, laakiin Barca ayaa ugu dambeyn ku guuldareysatay in ay heshiis cusub ka saxixiato xiddiga taas oo keentay in uu isaga tago kooxda.

Juan Laporta ayaa wareysi dheer oo uu siiyay idaacadda RAC1 ayaa yidhi”Sababihii uu Messi u baxay? anigu wax wax lug ah kuma lahayn xeerka dhaqaale wanaaga ee FFP, Kadib waxa noo soo baxday in aan saxiixno heshiis kooxda halis galinaya sidaas darteed waan joojinay sababta oo ah Barcelona ayaa ka weyn xiddig kasta xitaa Lionel Messi”.

Wuxuu intaas ku daray, “Waxaan in badan isku daynay inaan sii haysanno Messi, laakiin fikraddu ma ahayn mid socon karta, run ahaantiina, waxaan jeclaan lahaa Messi inuu dhaho diyaar ayaan u ahay in aan bilaash idiinku ciyaaro”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*