Jimmy Floyd Hasselbaink Oo Saadaaliyay Goolasha Uu Pierre-Emerick Aubameyang Dhalin Karo Xilli Ciyaareedkan.

Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa ku taageeray Pierre-Emerick Aubameyang inuu noqdo weeraryahankii ugu horeeyay ee chelsea u dhaliya wax ka badan 20 gool tan ilaa Diego Costa horyaalka premier League.

Weerarka chelsea ayaa ku dhibaatooday goolka hortiisa premier League tan ilaa Costa kaas oo 20 gool u dhaliyay kooxda 35 kulan oo horyaalka premier League ah.

Kabtankii hore ee Arsenal Aubameyang ayaa rajaynaya in uu jabiyo rikoodhkaas kadib markii uu ku soo biiray Blues maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ee dhawaan xidhmay.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Hasselbaink ayaa filaya in uu Aubameyang soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas goolal badan u dhalin doono Blues.

Hasselbaink ayaa yiri: ‘Aubameyang runtii wax wanaagsan ayuu ka sameeyay Barcelona. Wuxuu dhalinayay goolal. Waa saxiix wanaagsan waxana uu caawin doonaa chelsea labada sano ee soo socota”.

“Aubameyang waxa uu dhalin karaa 20 gool iyo wax ka badan waxana uu caawin karaa kooxda xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*