
The Sun ayaa daboolka ka qaadeysa halka laga yaabo in uu wajiga saaro weeraryahanka Man City ee Jesus kaasi oo xagaaga ka tagaya kooxdaas
Mustaqbalka laacibka aya calaamad su`aal la dul saaray maadaama Haaland uu imaanayo City kaasi oo ay maalmo ka hor la hishiiyeen
Newcastle , Arsenal iyo Barcelona ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa laacibkaas waxaana sidoo kale meel dheer ka eeganeysa kooxda Bayern Munich .
Wargeyskaas ayaa haatan sheegaya in Jesus uusan dooneyn in uu ka dhex baxo horyaalka Ingiriiska .
Jesus ayaa la xusayaa in uu si dhab u doonayo in uu ku biiro Arsenal waxa uuna aaminsan yahay in boos joogto uu ka helayo xilli ciyaaredka dambe waana mid uusan haatan ku haysan kooxda City , waxa uuna saaxibadiisa ku war giliyay go`aankaas .
Jesus , tan iyo markii uu yimid City 2017-kii waxa uu u saftay 234 kulan halka uu dhaliyay 95 gool
Waxaa xusid mudan in hishiiskiisa City uu dhacayo xagaaga 2023-ka waxa ayna City doonayaan in dhaqaale ahaan ka faa`ideystaan halka qaab xor ah uu ka tagi lahaa