Jesus: Halkan Arin Ayaan Ku Dareemayaa Arsenal Ilaa Haatan.

Weeraryahanka Arsenal Gabriel Jesus ayaa xaqiijiyay inuu dareemayo inuu dareemayo in uu joogo Gurigiisa kadib markii uu Arsenal ka caawiyay in ay guu 3/1 ah ka gaadho kooxda Tottenha.

Gabriel Jesus ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ku hogaamiyay kulanka North London Derby kulan ay Arsenal u awood sheegatay Tottenham.

Jesus oo xagaagii ku soo biiray Arsenal ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay Emirates isla markaas dareemayo in uu joogo Gurigiisii tan ilaa markii uu yimid Arsenal.

Isagoo la hadlayay BT Sport ciyaarta ka dib, Jesus ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ugu dambeyntii dhaliyo goolkii derby ee horyaalka Premier League, wuxuuna caddeeyay inuu aad ugu faraxsan yahay Waqooyiga London ilaa hadda.

“Runtii waa markii labaad ee aan gool ka dhaliyo Derby, kii hore waxa uu ahaa Brazil kulankii Argentina, aad ayaan u faraxsanahay, waxaan doonayaa inaan gool dhaliyo kulan walba, qaabkii ay kooxdu u ciyaartay daqiiqadii ugu horeysay waxay muujisay sida aan rabnay inaan u dhalino”ayuu Jesus yidhi.

“Waan u qalanay inaan badino, ma garanayo inta fursadood ee aan abuurnay, waxaan dareemayaa inaan guriga joogo sababtoo ah wiilasha, shaqaalaha, kooxda iyo wax badan ayaa naga caawiyay, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay halkan, waxaana ku jirnaa xaalad wanaagsan. jid.”