Xiddiga Manchester City, Jeremy Doku, ayaa aaminsan in natiijada kulanka weyn ee usbuuca dambe ee u dhexeeya City iyo Arsenal ay go’aamin doonto cidda ku guuleysan doonta horyaalka Premier League.
Kooxda uu hoggaamiyo Pep Guardiola ayaa bandhig xooggan sameysay qeybtii labaad ee kulankii ka dhacay Stamford Bridge Axaddii, iyagoo si buuxda ugu badiyay 3-0—guul cabsi gelisay xerada Arsenal oo horayba walaac u qabtay.
Goolasha ay kala dhaliyeen Nico O’Reilly, Marc Guehi iyo Doku laftiisa ayaa ka caawiyay City inay farqiga hoggaanka ku yareeyaan ilaa 6 dhibcood, iyagoo si fiican uga faa’iideystay guuldarradii lama filaanka ahayd ee Arsenal gurigeeda kala kulantay Bournemouth 24 saac ka hor.
Labada koox ee ugu sarreeya horyaalka ayaa ku kulmi doona garoonka Etihad usbuuca dambe kadib markii City si cad ugu garaacday Arsenal final-kii Carabao Cup.
Markii la weydiiyay in kulanka toddobaadka soo socda uu go’aamin doono horyaalka, Doku wuxuu yiri: “Haa, aniga ahaan waan u arkaa sidaas.”
“Aniga ahaan, immisa kulan ayaa harsan? Lix ama wax la mid ah. Waxaan dareemayaa haddii aad badiso, waa dharbaaxo weyn oo aad ku dhufanayso iyaga. Haddii aad se guuldarraysato, markaas waxay noqonaysaa gacantooda, waxaana khasab nagu noqonaya inaan sugno inay iyagu dhibco lumiyaan”
“Haddii aan guuleysanno, wax walba waxay ku jiri doonaan gacanteenna, aniguna waxaan doorbidayaa inaan arrintu gacanteenna ku jirto.”
Be the first to comment