Jawaabtii Harry Kane Kadib Markii Uu Piers Morgan Waydiiyay In Uu Ku Laabto Arsenal.

Harry Kane ayaa sheegay inuusan gabi ahaanba doonaynin inuu dib ugu laabto Arsenal ka dib markii taageerahaa Arsenal ee Piers Morgan isku dayay in uu Kabtanka xulka Engaldn ku qanciyo in uu ku soo laabto Arsenal.

Harry Kane ayaa u soo ciyaaray Arsenal markii uu 8 jirka ahaa laakiin Arsenal aya iska fasaxday xiddiga isaga oo ku biiro kooxda Tottenham.

Morgan ayaa sidoo kale Kane ugu digtay sawirkii uu xidhnaa maaliyada Arsenal markii uu 8 sano jiray waliba ugu dabaal dagayay ku guulaysigii Arsenal ee horyaalka.

“Haatan taariikhdaada maaliyada kubada cagta waa mid adag, miyayna ahayn”ayuu yidhi.

“Sababtoo ah markii aad da’yarka ahayd waxa aad ahayd Taageere Arsenal ah, maxaa kugu dhacay Harry Kane?.

Kane ayaa ku jawaabay”Hagaag, waxa aan u ciyaaray Arsenal yaraantaydii nasiib xumo way iska kay fasaxeen”.

“Sidaas darteed waxa aan joogay Tottenham tan ilaa markii aan 11 sano jiray abaalmarinta ayaana haatan timid”.

Morgan ayaa isku dayay in uu ku qanciyo ku soo laabashada Arsenal laakiin waxa uu ku jawaabay”Maya Ma dhacayso, waxa aan ku faraxsnahay Tottenham”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Qarax Ay 6 Qof Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*