Javier Tebas: Real Madrid Waxa Ay AWoodaa In Ay Xagaaga Dambe La Soo Wada Saxiixato Kylian Mbappe & Erling Haaland, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Madaxweynaha LaLiga Javier Tebas ayaa sheegay in Real Madrid ay leedahay awood dhaqaale oo ay kula soo saxiixan karto Kylian Mbappe iyo Erling Haaland sanadka 2022 -ka.

Los Blancos ayaa laga diiday laba dalab oo ay ka gudbisay saxiixa xiddiga Kylian Mbappe iyada oo midkii ugu dambeeyay kor u dhaafayay 180 milyan oo euro halka sidoo kale aad loola xidhiidhinayay xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Xiddiga Mbappe ayay u badantahay in lagu helo qaab xor ah xagaaga dambe hadii uu ku adkaysto diidamada heshiiska cusub ee kooxda PSG halka sidoo kale xiddiga Haaland xagaaga dambe lagu heli karo lacag dhan 68 milyan oo euro.

Bishii July Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ay lumisay wax ka badan 300 milyan oo euro sabab la xidhiidha xanuunka Korona laakiin sheegtay in ay faa’iido heshay kadib markii ay bixisay cashuuraha.

Tebas ayaana sheegay in iibinta xiddigaha Martin Odegaard oo ay ku iibisay 30 milyan ay la macno tahay in ay Real Madrid haatan la soo saxiixan karto labada xiddig.

“Waxa ay iibiyeen xiddigo ku kacaya lacag ka badan 200 oo milyan waxana ay haystaan awood ay kula saoo saxiixdaan xiddigaha Mbappe iyo Haaland”ayuu Tebas u sheegay Football Espana.

“Wax lacag ah ma lumin Real Madrid waxana intaas sii dheer in ay xiddigo fiican iibiyeen”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*