Javier Hernandez Oo Ka Hadlay Farqiga Weyn Ee U Dhexeeya U Ciyaarista Man United Iyo Real Madrid.

Xiddigii hore ee kooxaha Man United iyo Real Madrid ee Javier Hernandez ayaa sheegay in uu dareemay cadaadis aad u weyn markii uu u ciyaarayay Real Madrid marka loo bar-bar dhigo markii uu joogay kooxda Man United.

Javier Hernandez oo haatan u ciyaara kooxda LA Galaxy ayaa wakhti fiican ku soo qaatay Old Trafford isaga oo dhaliyay 59 gool tartamada oo dhan kooxdana kula guulaystay 2 premier League.

Kadib markii uu u ciyaaray laba kooxood oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka Javier Hernandez ayaa wax laga waydiiyay in uu qeexo farqiga u dhexeeya u ciyaarista labada kooxood.

“Waxan u malaynayaa waa dhaqanka”ayuu yidhi.

“Waa qeexid kaliya ma ahan in aan mid wax weyn ka dhigayo mid kalena wax yar ka dhigayo, kaliya waa qeexid, markii aan Joogay Man United waxa aan ahaa mid dagan”.

Advertisements

“Laakiin dhanka Spain waxa uu ku dhawan dhawyahay Latino, dhankooduna waa mid furan”.

“Man United marna Maan dareemin in aan cidlo ahay, Manchester way ku ixtiraamayaan kaligaana wadada ayaad iska socon kartaa, saxaafaduna wararka soo dusinayso”.

“Spain waa lagu Ixtiraamayaa laakiin waa sida dalkayga Mexico oo kale, wax ayay kaa doonayaan, sawir ayay kaa doonayaan wayna ku jiidanayaan marka ay ku arkaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*