Jan Oblak Oo Ka Jawaabay Wararka La Xidhiidhinaya Chelsea

Goolhayaha Kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaan meesha ka saarin suurtagalnimada uu xagaaga ugu biiri karo Chelsea inkasta oo uu sheegay in uu haatan kaliya ka fikirayo champions League.

Franka Lampard ayaa lumiyay kalsoonidii uu ku qabay Goolhaye Kepa kadib xilli ciyaareed xun oo uu soo qaatay isaga oo kaydka u dhigay Goolhaye Willy Caballero.

Saxiixashada Goolhaye cusub ayaa ah muhiimada 1-aad ee chelsea waxa ay Oblak ka dhigteen bartilmaameedka 1-aad inkasta oo ayna Atletico Madrid doonayn in ay iibiso.

Goolhaye Oblak ayaa wax laga waydiiyay wararka la xidhiidhinaya Chelsea waxana uu yidhi”wakhtigan lama joogo wakhtigii laga hadli lahaa arintaas”.

“Waxa aan go’aan qaadan doonaa marka aan ciyaaro kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*