Jamie Redknapp Oo Kashifay Cida Liverpool Ka Caawin Doonta In Ay Garaacdo Man City Axada.

Jamie Redknapp ayaa ku taageeraya Liverpool inay garaacdo Manchester City axada wuxuuna aaminsan yahay in Mo Salah uu noqon doono farqiga u dhexeeya labada kooxood.

Liverpool ayaa kulanka Axada gali doonta iyaga oo hogaaminaya horyaalka premier League waliba hal dhibic ka sareeya kooxda Pep Guardiola taas oo xiiso u yeeli doonta kulanka.

Reds ayaa kulanka ku soo galaysa iyada oo aan guuldaro la kulmin horyaalka xilli ciyaareedkan laakiin City ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican iyada oo kaliya guuldaro la kulantay maalintii furitaanka ee Tottenham ilaa haatan.

Kadib markii ay si fiican u ciyaartay kulankii Chelsea 1/0 ku badisay laakiin guuldaro 2/0 ah kala kulanay PSG champions Leageu way adagtahay in la saadaaliyo waxa laga filan karo Man City.

Laakiin xiddigii hore ee qadka dhexe ee Liverpool Redknapp ayaa aaminsan in xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Mohamed Salah in uu dhibaato ku keeni doono daafaca dambe ee Man City.

“Liverpool waxa ay haystaa kalsooni buuxda kadib goolashii champions league halka ay Man City galayso kulankeedii 3-aad oo adag”.

“Waxa aan dareensanahay in ay Liverpool ku guulaysan doonto kulankan, kalsooni ayaa dhexmaraysa xididadooda, Salah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu dhibaato ku keeni doonaa daafaca Man City”.

Sii Akhriso: Fariimo Jacay: Gabadheey Ma Doonaysaa In Aad Xoojiso Jacaylka Uu Gacaliyahaagu Kuu Qabo, Fariimahan U Dir

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*