Jamie Redknapp: Man United Ayaa Sabab U Ah Bur-Burka Liverpool Kadib Guuldaradii Crystal Palace.

Jamie Redknapp ayaa aaminsan in ay Man United sabab u tahay bur-burka xilli ciyaareedka Liverpool.

Man United ayaa garaacday Liverpool kulankii FA Cup-ka ka hor inta ayna bar-baro ku qaban kulan premier League ahaa.

Reds ayaa baacsanaysay 4 koob ka hor inta ayna la kulmin Man United laakiin haatan Wiilasha Klopp ayaa u muuqda mid ku ekaanaya kaliya hal koob xilli ciyaareedkan.

Redknapp Ayaa rumaysan in natiijooyinkii ay Liverpool kala kulantay Man United in ay sabab u tahay bur-burkiii ugu dambeeyay ee Liverpool.

Markii la weydiiyay inuu qiimeeyo fursadaha horyaalka ee Liverpool ka dib guuldaradii Crystal Palace, Redknapp ayaa ku yiri Sky Sports:”Dhaawaca waxa gaystay Man United Todobaadkii hore”.

“Waxaad arki kartaa saamaynta ay ku yeelatay bartamihii todobaadka iyo kulankii Crystal Palace”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga