Jamie Carragher Oo Su’aal Ka Keenay Heshiiska Ay Man United Ku Doonayso Nathan Ake

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa su’aal ka keenay Go’aanka ay Man City ula soo saxiixanayso daafaca Dhexe ee Nathan Ake ka dib markii kooxda Pep Guardiola la sheegay inay ogolaadeen in ay kula soo wareegaan 41 milyan oo euro.

Kooxo badan oo Premier League ah oo ay ku jiraan Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa dhamaantood lala xiriirinayay saxiixa daafaca Bournemouth xagaagan laakiin Man City ayaa u muuqata kuwo ku guulaystay saxiixiisa.

Waxa jira warar sheegaya in ay kooxda Bournemouth ogolaatay dalab dhan 41 milyan oo euro waliba saxiixa xiddiga lagu dhamaystiri doono maalmaha soo socda.

In kasta oo halyeeyga Liverpool Carragher uusan wax shaki ah ka qabin Tayada Ake hadana kuma qanacsana in uu xiddiga reer Holland leeyahay shaqsiyad sahx ah oo uu kaga garab ciyaari karo Laporte.

“Waan jeclahay Nathan Ake waxaanan u malaynayaa inuu ku habboonaan doono Man City,” ayuu Carragher ku soo qoray baraha bulshada markii warku soo baxay.

“Laakiin marka la eego in uu Laporte ku bilaaban doono shaxda ma garanayo sida ay laba daafac oo lugta bidix ku ciyaara sida ay isaga garab ciyaari karaan”.

“Waan ogahay in daafacyada lugta midig ku ciyaara in ay iska garab ciyaari karaan laakiin ma garan karo sida ay laba daafac oo bidix ku ciyaara u wada shaqayn karaan”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*