Jamie Carragher Oo Sharaxay Sababta Ayna Chelsea Diyaar Ugu Ahayn In Ay U Tartanto Premier League.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sharraxay sababta aysan Chelsea diyaar ugu ahayn inay u tartanto hanashada horyaalka Premier League inkasta oo ay lacag badan galiyeen suuqa kala iibsiga xagaagan.

Blues ayaa raadineysa inay horumar ka sameyso xilli ciyaareedkii hore kaalinta afaraad, taasoo 15 dhibcood ka hooseysay kooxdii kaalinta 2-aad ku dhamaystay ee Man City halka ay 33 dhibcood ka dambeeyeen kooxda Liverpool ee ku guulaystay horyaalka.

Arintaas ayaa sabab u noqotay in ay chelsea ilaa haatan suuqa galisay wax ka badan 200 oo milyan iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha ay ka mid yihiin Ben Chilwell, Kai Havertz & Timo Werner.

Laakiin Carragher, oo in ka badan 700 oo kulan u saftay Liverpool isla markaana ka caawiyey inay ku guuleystaan ​​2005 Champions League, ayaa rumeysan inay weli jirto dal-dalool ka muuqda kooxda chelsea.

Markii la weydiiyay Sky Sports fursadaha ay Blues u heysato hanashada horyaalka ka hor kulanka ay wajahayaan Brighton, wuxuu yiri: “Maya , aniga ahaan Maya”.

“Sababta oo ah Qarash garaynta Chelsea ma ahan wax faa’iido weyn leh ilaa inta ay iska xalinayso xaaladooda Goolhaye, ma arko in ay ku guulaysan karaan horyaalka”.

“Kaliya waa inaad fiirisaa xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Pep Guardiola ee England, Jurgen Klopp 18-kiisii ​​bilood ee ugu horreeyay wax horumar ah may samayn ilaa intii ay la soo saxiixdeen Goolhayeyaal farqi sameeyay”.

“Haddii Chelsea ay la soo wareegto goolhaye heer sare ah, waxan u malaynayaa in uu farqi weyn samayn doono”.

“Sidaas darteed ilaa inta ay ka badalayaan Goolhayaha uma malaynayo in ay wax fursad ah haystaan”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*