Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Halka Ay Kaga Dhamaysan Doonto Premier League Kadib Guuldaradii Arsenal.

Jamie Carragher ayaa aaminsan in Arsenal ay heysato fursad xoogan oo ay ku xaqiijin karto booska 4-aad ee Premier League uguna soo bixi karto champions League xilli ciyaareedka cusub sabab la xidhiidha Mikel Arteta.

Gunners ayaa la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee premeir League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulantay Liverpool.

Arsenal ayaa hogaanka u qabata y ciyaarta kadib markii uu Alexandre Lacazette u dhaliyay goolka hogaanka laakiin Liverpool ayaa inta badan maamulaysay ciyaarta waxana goolasha u dhaliyay xiddiga waxaana goolasha u dhaliyay Sadio Mane, Andy Robertson iyo Diogo Jota.

Inkasta oo ay guuldaro la kulmeen hadana Jamie Carragher ayaa rumaysan in ay Gunners ku taagantahay wadada saxda ah inta uu Mikel Artet hogaaminayo kooxda.

Daafacii hore ee Liverpool ayaa dareensan in Mikel Arteta yahay Ninka ku fiican shaqada Arsenal dibna ugu soo celin karo champions League.

“Arsenal waxa ay ku jirtay ciyaarta taas oo ah mid muhiim ah, waxana ay heleen fursado fiican taas oo ciyaarta nooc kale ka dhigic lahay laakiin Liverpool ayaa sanado ka horaysa”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.

“Waxan u malaynayaa in uu Arteta kooxda Arsenal ka qabano mid la mid ah shaqadii Jurgen Klopp ka qabtay Liverpool bilowgii”.

“Waxa ugu horeeya ee Arsenal haatan u baahantahay ayaa ah in ay u soo baxdo champions League waxana aan u malaynayaa in ay fursad fiican u haystaan xilli ciyaareedkan”.

“Aad ayaan u jecelahay waxa uu Mikel Arteta qabano, uma malaynayo in uu awood u leeyahay in uu xiddigaha haatan ka soo saaro wax inta haatan ka badan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*