Jamie Carragher Oo Magacaabay 10-ka Weeraryahan Ee Ugu Fiican Premier League

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa doortay 10-kiisa weeraryahan ee ugu fiican premier league kadib markii la xaqiijiyay in uu Sergio Aguero isaga tagi doono Man City dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Argentine ayaa dhaliyay 257 gool intii uu joogay kooxda Man City isaga oo dhanka premeir League ka mid noqday xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda tartanka.

Carragher ayaa Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Thierry Henry u magacaabay kaalinta 1-aad ee weeraryahanada ugu fiican fikirkiisa horyaalka premier League isaga oo kaalinta 2-aad dhigay xiddigaha Sergio Aguero halka uu kaalinta 3-aad dhigay xiddiga Alan Shearer.

Carragher Ayaa Liiska ku daray Xiddiga Luis Suarez oo uu kaga soo garab ciyaaray Liverpool iyo waliba Mohamed Salah oo haatan u ciyaara kooxda Liverpool

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo 10-ka weeraryahan ee uu Carragher U arko kuwa ugu fiican premier League:

  1. Thierry Henry
  2. Sergio Aguero
  3. Alan Shearer
  4. Didier Drogba
  5. Wayne Rooney
  6. Mohamed Salah
  7. Andy Cole
  8. Luis Suarez
  9. Dwight Yorke
  10. Harry Kane

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*