Jamie Carragher Oo Liverpool U Sheegay Xiddiga Ay Tahay In Ay Xagaaga La Soo Saxiixato

Khabiirka Sky Sports Jamie Carragher ayaa ku booriyay Liverpool inay la soo wareegaan xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham suuqa xaggaaga.

Carragher ayaa bartiisa Twitter-ka wax laga weydiiyay ciyaaryahanka uu jeclaan lahaa in kooxdiisii ​​hore ay lasoo saxiixato wuxuuna ku jawaabay”Jude Bellingham hadii uu xagaaga yimaado aniga way ii fiicantahay”.

Bellingham ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Liverpool iyada oo uu Klopp xagaaga suuqa u gali doono sidii uu u xoojin lahaa khadka dhexe ee kooxdiisa.

Xiddiga Bellingham ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican khadka dhexe ee soo kacaya kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Borussia Dortmund.