Jamie Carragher Oo Liverpool U Sheegay Waxa Ay U Baahantahay Hadii Ay Doonayso In Ay Ku Guulysato Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Jamie Carragher ayaa ku adkeysanaya in kooxdiisii ​​hore ee Liverpool ay qasab ku tahay inay lasoo saxiixato daafac dhexe bisha January marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Joel Matip ayaa ku dhaawacmay qaybtii dambe ee kulankii West Brom isaga oo kooxdiisa ku sii xumeeyay xalaada dhaawac ee dhanka daafaca.

Tababare Jurgen Klopp ayaa xilli ciyaareedkan ku tiirsanaa xiddigaha da’yarka ah ee Nat Phillips, Rhys Williams Iyo Sepp van den Berg laakiin Carragher ayaa sheegay in ay Liverpool u baahantahay daafaca cusub marka uu furmo suuqu hadii ay doonayaan in ay difaacdaan horyaalka premeir league.

“Miyay tahay arin wal-wal ah, laakiin ma tahay arin wal-wal cusub ah, waa sababta ay qasabka u tahay in ay Liverpool la soo saxiixato daafaca dhexe suuqa January”ayuu Carragher u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan sheegay in isla markii uu Virgil Van Dijk dhaawacmay Fabinho ayaa noqday xiddig daafaca dhexe ah laakiin Matip ayaa dhaawaca u jilicsan, jidhkiisu ma qaadan karo ciyaarista kulamo xidhiidh ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*