Jamie Carragher Oo Liverpool U Sheegay Qaabka Ay Arsenal Uga Hor Istaagayso Ku Guulaysiga Premier League.

Jamie Carragher wuxuu ka walaacsan yahay in guuldarrooyinkii Liverpool ay sii socdaan kadib guuldarradii 2-1 ee ay kala kulmeen Manchester United, isaga oo haatan Arsenal u arka kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, halyeyga Reds wuxuu aaminsan yahay in kooxda Arne Slot weli ay fursad u leedahay inay difaacato horyaalka xitaa haddii ay ka dambeeyaan kooxda Mikel Arteta dhammaadka xilli ciyaareedka.

Kadib bilow cajiib ah oo ay ku galeen xilli ciyaareedka, afarta guuldarro ee xiriirka ah tartamada oo dhan ayaa soo bandhigtay tabar-darrada Liverpool iyo hoos u dhaca heer ciyaareed ee xiddigaha kooxda.

Slot wuxuu u baahan yahay inuu si degdeg ah u beddelo qaab ciyaareedka kooxda, iyadoo kulammo adag ay sugayaan sida Crystal Palace, Manchester City, iyo Real Madrid – balse Carragher ma muujinayo kalsooni badan.

“Waxaan ka baqayay in tani dhacdo,” ayuu yiri difaacii hore Jamie Carragher isagoo la hadlayay The Gary Neville Podcast.

“Waxay u muuqataa in marka dareenka aan la jabin karin meesha ka baxo – si la mid ah wixii ka dhacay Man City xilli ciyaareedkii hore – koox walba oo ka soo horjeedda ay bilaabeyso inay rumaysato fursad ay ku guuleysan karto.”

Wuxuu hadalkiisa ku daray:

“Walwalka ay qabaan waa, anigu waxaan aaminsanahay in ay lumin doonaan dhibco kale laga bilaabo hadda ilaa dhammaadka January ama February. Dhibco badan oo kale.”

“Arsenal ama Manchester City ma noqon doonaan kuwo aad uga fog Liverpool? Aniga ahaan, Arsenal ayaa haatan u muuqata kooxda ugu diyaarsan ee horyaalka ku guuleysan karta.”

“Laakiin Arsenal waxay bilaabi doonaan inay walwalaan bisha March iyo April sababtoo ah muddo dheer ayayna ku guulaysan premier League Liverpool iyo Manchester City-na waa inay hubiyaan inaysan si xad dhaaf ah uga fogaan, si ay u awoodaan inay saameyn ku yeeshaan tartanka marka waqtigaas la gaaro.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga