Jamie Carragher Oo Liverpool U Sheegay In Ayna Ku Guulaysan Doonin Horyaalka Premier League & Hal Arin Oo Sabab u aH.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa si weyn uga digay qaab ciyaareedka kooxdiisii hore kadib guuldaradii Reds ka soo gaadhay Southampton.

Jamie Carragher ayaa sheegay in ayna kooxda Liverpool ku guulaysan doonin premier league hadii ayna daafac cusub la soo saxiixan bishan January.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa bilaa guul ah kulankii 3-aad oo xidhiidh ah taas oo fursad u siisay in ay Man United hogaanka la qabato kooxda Liverpool.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa laga ciyaarsiiyay daafaca dhexe kulankii Southapton Jamie Carragher ayaana sheegay in ayna kooxda Liverpool ku guulaysan doonin horyaalka hadii ayna bishan daafac cusub keenin kooxda.

“Ma arko in ay Liverpool ku guulaysan doonto premier League hadii ayna daafac dhexe la soo saxiixan”ayuu Jamie Carragher u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan hadalkaas sheegay kadib kulankii Everton markii uu Virgil Van Dijk dhaawacmay laakiin waxan u malaynayaa in ay adagtahay in ayna daafac keenin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*