Jamie Carragher Oo Kashifay Sababta Uuna Mohamed Salah Uga Tagi Doonin Liverpool.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa rumaysan in uu Mohamed Salah sii joogi doono kooxda sabab la xidhiidha in uu seegay fursadii uu ugu dhaqaaqi lahaa kooxaha reer Spain ee Real iyo barca.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay ka tagista Liverpol kadib markii uu waraysi siiyay wargayska AS kuna diiday in uu meesha ka saaro ku biirista midkood Real Madrid ama Barcelona.

Si kasta ah ahaatee Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid midkood lacag badan ugu dhaqaaqi doonaan xiddigaha Kylian Mbappe, Erlinga Haaland halkii ay u dhaqaaqi lahaayeen Mohamed Salah.

“Waxan u malaynayaa in uu Liverpool joogi doono sanadaha soo socda, waxan u malaynayaa in uu ku jiro xaalada Harry Kane oo kale, waa labada Gool dhaliye ee ugu fiican Premier league haatan, laakiin waxa ay joogaan da’da ayna kooxna lacag weyn ka bixin doonin”ayuu Jamie Carragher yidhi.

“Waxan u malaynayaa in uu Mohamed Salah lumiyay fursadii uu ugu biiri lahaa midkood Real Madrid ama Barcelona, Salah waxa lagu heli karaa ugu yaraan 120 milyan iyo wax ka badan umana malaynayo in ay jirto koox lacagtaas ka bixinaysa”.

“Barcelona iyo Real Madrid waxa ay badalkiisa u dhaqaqi karaan xiddigaha Mbappe iyo Haaland oo ku jira da’ fiican una qalma in laga bixiyo 200 oo milyan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*