Jamie Carragher Oo Kashifay Saamaynta Uu Dhaawaca Virgil Van Dijk Ku Yeelan Doono Tartanka Premier League.

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in dhaawaca soo gaadhay Virgil Van Dijk uu dib u furay tartanka loogu jiro hanashada horyaalka premier League.

Virgil Van Dijk ayaa ka dhaawacmay jilibka kulankii Everton waxana la filayaa haatan in uu garoomada ka maqnaado inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Jamie Carragher oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa yidhi”Liverpool awood uma lahan ku guulaysiga horyaalka Premier League, koox walba waxa ay leedahay 3 ilaa 4 xiddig oo saamayn weyn ku leh kooxda hadii ay ka maqnaadaana ayna awood u lahayn in ay buuxiyaan booskiisa”.

“Waxan u malaynayaa in dhaawaca Van Dijk in uu horyaalka dib u furayo, bilowgii xilli ciyaareedka Liverpool ayaa ahayd kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka”.

“Laakiin kadib dhaawaca Van Dijk ee haatan horyaalka ayaa haatan dib ugu furan koox kasta oo premier League ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*