Jamie Carragher Oo Kashifay Arinta Mohamed Salah Ka Hor Istaagaysa In Uu Midkood Ku Biiro Real Madrid Ama Barcelona.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in uuna wax wal-wal ah ka qabin ka tagista Mohamed Salah ee Liverpool si uu ugu biiro kooxaha Real madrid ama Barcelona maadama uuna aaminsanayn in ay arintaas dhici doonto.

Salah ayaa shaki ku tuuray mustaqbalkiisa kadib markii uu diiday in uu Albaabka ka xidho u dhaqaaqista kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona.

Jamie Carragher oo la hadlaya Mirror ayaa yidhi”Mohamed Salah waa mid ka mid ah xiddigaha eega xirfadooda ciyaareed kadib doona in ay ku biiraan Real Madrid ama Barcelona”.

“Qaar ka mid ah xiddigaha ayaa xirfadooda sidaas oo kale u eegda, sida Eden Hazard oo kale mar walba waxa uu dooni jiray in uu ku biiro Real Madrid”.

“Lama yaabeen sanado yar ka hor markii uu Mohamed Salah bilaabay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo in uu sheego rabitaankiisa ah in uu ku biiro Real Madrid ama Barcelona”.

“Laakiin arintu haatan waxa ay ku xidhantahay da’da Mohamed Salah iyo Lacagta lagu heli karo, sababta oo ah kooxuhu ma haystaan lacagta lagu heli karo salah oo kor u dhaacaysa 100 milyan oo euro, Waxan u malaynayaa in ay Real Madrid iyo Barcelona isha ku hayaan Mbappe iyo Haaland kuwaas ah xiddigo da’yar ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*