Jamie Carragher Oo Farta Ku Fiiqay Xiddigii Ka Dambeeyay Guuldaradii Liverpool Ka Soo Gaadhay PSG.

Jamie Carragher daaficii hore ee England national team, ayaa eedda dusha ka saaray hal ciyaaryahan oo ka tirsan Liverpool FC kadib guuldarradii 2-0 ee ay kala kulmeen Paris Saint-Germain lugta hore ee wareegga sideed dhammaadka UEFA Champions League habeenkii Arbacada.

Wuxuu sheegay in Ibrahima Konaté uusan gaadhin filashadii taageerayaasha Liverpool.

Kooxda Arne Slot ayaa ku dhibtootay inay la tartanto PSG garoonka Parc des Princes, halkaas oo goolal ay kala dhaliyeen Désiré Doué iyo Khvicha Kvaratskhelia ay xaqiijiyeen guul ay si buuxda u mutaysteen kooxda difaacaneysa Champions League.

Liverpool ma aysan helin hal xabad oo bartilmaameed ah, waxayna haysteen kaliya 26% kubbad-haysasho. Slot ayaa qiray ciyaarta kadib in kooxdiisu ay inta badan ku mashquulsaneyd “badbaadinta” weerarrada PSG qeybtii labaad.

Slot wuxuu doortay inuu adeegsado qaab difaac oo shan daafac ah, balse Carragher wuxuu sheegay in Virgil van Dijk uu la kulmay dhibaato sabab la xiriirta qaab ciyaareed “liita” oo uu sameeyay Konaté.

Carragher ayaa yiri isagoo la hadlayay CBS Sports:
“Wuxuu (Slot) si khaldan u adeegsaday shanta daafac, dhab ahaantii waxay noqdeen kuwo ka nugul sidii ay ahaan lahaayeen haddii ay afar daafac ciyaari lahaayeen.”

Wuxuu sii raaciyay:
“Markii ay ciyaarayeen man-to-man (qof qof u calaamadin), saddexda daafac dhexe waxay qasbanayeen inay daboolaan ballaca garoonka oo dhan. Virgil van Dijk, oo dhexda kaga jiray saddexdaas, xaaladdu way ka duwaneyd sidii caadiga ahayd.”

“Daafacyadu waxay u baxayeen khadka dhexe, mana jirin cid ay calaamadiyaan, taasoo keentay in Van Dijk, oo 34 jir ah, uu ku khasbanaado inuu meelahaas u ordo oo daboolo—arrintaasna ma maareyn karin.”

Wuxuu intaas ku daray:
“Inkastoo qaar ay dhaliileen Van Dijk xilli ciyaareedkan, anigu waxaan u arkaa dhaleeceyntaasi mid aan cadaalad ahayn.”

“Wuxuu ciyaaraa kulan kasta, halka ciyaaryahanka ku xiga uu ahaa mid aad u liita xilli ciyaareedkan oo dhan, isla markaana caawa sidoo kale xumaa—Konaté—kaas oo qalad sameeya kulan kasta, taas oo adag in lala tacaalo.”

“Weli waxaan u arkaa Van Dijk inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican Liverpool.”

“Balse caawa, saddexda daafac dhexdeeda, waligay ma arag isaga oo sidaas u jahwareersan isagoo xiran maaliyadda Liverpool.”

“Waxaan aaminsanahay inuu ka codsan doono Arne Slot inuusan mar kale isticmaalin nidaamkaas, maadaama uu aad ugu dhibtooday.”

Ugu dambeyn wuxuu yiri:
“Si kastaba ha ahaatee, ma aha oo kaliya nidaamka Liverpool ama khaladaadka farsamo—PSG waxay ahaayeen kuwo aad u cajiib ah. Ammaanta ugu weyn ee aan siin karo waa inay u ekaayeen sidii Pep Guardiola kooxda FC Barcelona.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga