Jamie Carragher: Mohamed Salah Wuu U Qalmaa In Uu Ka Mid Noqdo Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan premier League, Arintan Ayaana Sabab U Ah.

Jamie Carragher ayaa rajeynaya in Mohamed Salah uu saxiixo heshiis cusub oo liverpool ah maadaama uu ‘u qalmo’ inuu ka mid noqdo ciyaartoyda ugu mushaarka badan Premier League.

Reds ayaa heshiis cusub ka saxiixanaysay xiddigaha ugu waaweyn iyada oo haatan heshiis cusub ka saxiixatay xiddigaha Trent Alexander-Arnold, Alisson Becker, Sadio Mane, Virgil Van Dijk iyo Fabinho si ay xiddigaha ugu muhiimsan u sii haysato.

Laakiin Liverpool ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Mohamed Salah sabab la xidhiidha in uu dalbanayo mushahar kor u dhaafaya 450 kun oo Gini todobaadkii.

Carragher ayaa u sheegay Sky Sports Isniintii: ‘Marka aad soo xusho Liverpool shaxda Liverpool waxa mar walba jira xiddigo si toos ah u gala shaxdaas”.

“(Alan) Hansen, (John) Barnes, (Graeme) Souness, (Steven) Gerrard, (Ian) Rush, (Kenny) Dalglish waa xiddigaha aad markaasba doornayso wax walba oo dhaca”.

“Mohamed Salah waxa uu ku jiri doonaa booskaas waxa uu ka mid noqon doonaa xiddigaha ugu fiican taariikhda Liverpool shaki kuma jiro arintaas”.

“Liverpool suuqa uma galin sida kooxaha kale xagaagan laakiin waxay heshiisyo cusub ka saxiixatay xiddigo badan laakiin midka aan wali saxiixin waa Salah sida iska cad waxa uu doonayaa mushahar badan waana mid uu u qalmo”.

“Wuu U Qalmaa in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu mushaarka badan horyaalka sababtoo ah waxa uu sameeyay tan iyo markii uu yimid Liverpool. Marna ma dhaawacmin, sannadba sannadka ka dambeeyana waa gooldhaliyaha ugu sarreeya”.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*