Jamie Carragher Iyo Gary Neville Oo Isku Khilaafay Fursadaha Chelsea Ee Ku Guulaysiga Premier League.

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in Chelsea ay ‘hubaashii’ ku jirto tartanka horyaalka Premier League sanadkan, inkastoo uu aaminsan yahay in la’aanta kooxda ee goolhaye heer sare ah ay dhaawici karto.

Enzo Maresca ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareed wanaagsan oo uu ku bilowday waayihiisa Chelsea ka dib markii uu xagaagii kala wareegay Mauricio Pochettino, kooxda ka dhisan galbeedka London ayaana fadhisa kaalinta labaad ee kala sareynta ka dib 15 kulan.

Tababaraha kooxda chelsea ayaa marar badan sheegay in ayna kooxdiisu ku jirin tartanka horyaalka laakiin Carragher ayaa sheegay in Blues loo tix galin karo koox u tartamaysa premier League.

“Shaki la’aan way ku jiraan tartanka, hadii aad eegto xiddigaha ay haystaan ma jirto koox haysata”ayuu yidhi.

“Marka aad ka hadlayso Goolhayaha ma haystaan Goolhaye heer caalami ah laakiin boosaska kale waxa ay haystaan xiddigo tayo leh”.

Carragher saaxiibkiis mudada dheer ee Neville, ayaa dhanka kale la yaabay bilowga Maresca ee cajiibka ah laakiin waxa uu dareensanyahay in ayna chelsea u tartamayn premier League.

“Waxa aan qabaa in tababaraha chelsea yahay mid maskax badan oo samaynaya waxyaabaha saxda ah laakiin anigu ma qabo in ay ku jiraan tartanka premier League, uma malaynayo in ay ku guulaysan doonaan horyaalka xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga