Jamie Carragher & Gary Neville Isku Khilaafay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi, Dood Adag Ayaa Dhexmartay.

Waxa aan maqlaynay murankan in ka badan 10 sano walina wuu jiraa umana muuqato mid wakhti dhaw dhamaan doona.

Halyeeyada reer England ee Jamie Carragher & Gary Neville ayaa isku khilaafay muranka ku saabsan xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Labada Halyeey ayaa ku jiray falanqaynta MONDAY NIGHT FOOTBALL Waxana ay isku khilaafeen midka ugu fiican labada xiddig taariikhda kubada cagta.

Gary Neville oo dooda bilaabay ayaa yidhi”anigu mar walba waan iska indha tiri jiray su’aasha Lionel Messi iyo Ronaldo walina kumaan qaban barnaamijkan sababta oo ah waxa aan mar walba u aragnay mid khiyaal ah waliba labadooduba u baahantahay in loo dabaal dago”.

“Laakiin hadii aad i waydiiso midkee ayaad kaydka ka soo kicin lahayd si uu ciyaar guul iigu hogaamiyo waliba 10 daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta waxa aan dooran lahaa Cristaino Ronaldo”

“Hadii aan eegno ja-jabka goolashiisa waxa uu ku dhalin karaa lugtiisa Midig, Lugtiisa bidix, madaxiisa, waxa uu ka dhalin karaa meel ka fog goolka, waxa uu dhalin karaa rikoodhayaasha xitaa waxa uu dhalin karaa laad xor ah”.

“Hadii aad eegto saamaynta oo aad i waydiiso xiddiga ugu fiican taariikhda, inkasta oo aanan wali ka jawaabin su’aashaas, waxan u malaynayaa in uu Cristiano Ronaldo yahay xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta”.

“Hadii aan eegno goolasha Ronaldo iyo Messi sababta oo ah mar walba arintan ayaa lagu kala baxayaa, Shaki kuma jiro in uu Messi dhaliyay goolal badan waliba yahay xiddig cajiib ah laakiin Ronaldo ayaa ah mid dhamaystiran marka loo eego meelaha ugu muhiimsan ee ciyaarta”.

Jamie Carragher oo ka soo hor jeestay soo jeedinta Neville ayaa yidhi”ma jirto cid aan taageero weyn u ahayn Ronaldo iyo Messi, Cristiano Ronaldo ma ahan xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta, waxa aan odhan karaa Messi ayaa ah xiddiga ugu fiican taariikhda kubada cagta”.

“Sababta oo ah muhiimadu ma ahan sida loo dhalinayo goolka hadii ay tahay madax ama lugta midig ama lugta bidix, wax muhiim ah ma lahan, Messi ayaa leh rikoodh gool dhalin oo ka fiican Ronaldo”.

“Messi sidoo kale Messi waa kubad sameeye waliba Messi ciyaarta ayuu maamuli karaa, Ronaldo ma samayn karo sidaas, sidaas darteed ma jirto sabab uu Ronaldo ku noqon karo xiddiga ugu fician taariikhda”.

“Hadii aan eegno xiddiga kaydka ka soo kici kara si uu goolal u dhaliyo, Messi ayaa dhaliyay goolal ka badan kuwa Ronaldo karka uu kaydka ka soo koco”.

“Waan kugu raacsanahay in uu Ronaldo yahay xiddig dhamaystiran marka la eego in uuna Messi dhalin karin goolasha uu Ronaldo dhaliyo sida goolasha madaxa ah ama in uu labada lugood goolal ku dhalinkaro laakiin messi waa xiddig kuu qaadi kara meel aad rumaysan kartid waxa aad arkaysid”.

“Waxa uu Ronaldo sameeyo waxa aad arki kartaa xiddigo kale oo samaynaya hadii ay tahay goolal madax ah ama goolal labada lugood lagu dhalin karo laakiin Messi waxa uu samayn karaa wax aanan horay u arag”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*