James Maddison Oo Haatanba Sii Doortay Lambarkiisa Riyada Ee Uu U Qaadan Doono Arsenal Xilli Ay Gunners Wadahadalo Kula Jirto Leicester City.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Leicester City si ay uga hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Maddison sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ayaa dhankiida diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo haatanba sii doortay lambarkiisa riyada ee uu u xidhan doono kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta xiddig kubad sameeya ah waxana ay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga khadka dhexe ee James Maddison kaas oo ay doonayso in ay ku buuxiso booskii uu Mesut Ozil baneeyay.

Gunners ayaa haatanba dalab lacag iyo xiddig ah ka gudbisay saxixia xiddiga iyada oo ayna Leicester City wali ka jawaabin dalabkaas labada kooxoodna wadahadalo ku wada jiraan.

Wargayska StarSport ayaa sheegaya in uu xiddiga Maddison haatanba sii doortay lambarkiisa riyada ee uu u xidhan doono kooxda Arsenal xilli ciyaareedka cusub hadii uu ku biiro.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Maddison doortay in uu Arsenal u qaato No.8 hadii ay dhacdo in ay Gunners kooxdiisa Leicester City kala heshiiso saxiixiisiisa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ay Gabadh Walba Ka Raadiso Ninka Ka Hor Guurka, Hadii Aad Sifooyinkan Leedahay Waad Helaysaa Gabadh Nolosha Kula Wadaagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*