Jadon Sancho Oo U Quus Gooyay Man United

Xiddiga Kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa Sheegay in ayna wax saamayn ku yeelan qaab ciyaareedkiisa wararkii la xidhiidhinayay kooxda Man United.

Xiddiga reer England ayaa bartilmaameed u ahaa kooxda Man United suuqii xagaaga iyada oo Dortmund dhawr dalab ka diiday Red Devils.

Jadon Sancho oo la hadlaya wargayska Daily Mail ayaa la waydiiyay in ay wararkii la xidhiidhinayay man United saamayn ku yeeshiin waxana uu yidhi”Uma malaynayo arintaas”.

“Waxa aan dareensanahay in ay jirto wakhti uu xiddig walba hoos u dhoco qaab ciyaareedkiisa waxana aan u malaynayaa in aan wakhtigaas marayo”.

Sancho ayaa gool u dhaliyay xulka qarankiisa kulankii saaxiibtinimada ahaa ee ay Khamiistii la ciyaareen xulka Qaranka Ireland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*