Jadon Sancho Oo Ka Xanaajiyay Taageerayasha Man United & Rashford Oo Sabab U Ah.

Jadon Sancho ayaa ka xanaajiyay taageerayasha Man United kadib markii uu sheegay in la xoreeyay Marcus Rashford kadib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Aston villa.

Marcus Rashford ayaa qaab amaah ah ugu Biiray Aston villa maalintii ugu dambeeysay suuqii January.

Rashford ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee Aston villa kulankii FA Cup-ka ee ay ka badiyeen kooxda Tottenham.

Ciyaarta kadib ayuu Jadon Sancho fariin u diray Rashford taas oo ka xanaajisay taageerayasha Man United.

Sancho ayaa baraha bulshada ku qoray”Waa lagu xoreeyay”.

Kooxda.com ayaa xusaysa in Jadon Sancho sidoo kale amaah uga maqan yahay Man United Kuna sugan yahay Chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga