Jadon Sancho Oo Ka jawaabaya Su’aal La Xiriirinta Liverpool & Man Utd

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund Jadon Sancho ayaa weli diidan in uu ka hadlo wararku ku hareeraysan mustaqbalkiisa iyo kooxaha lala xidhiidhinayo.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Man United kuwaas oo hogaaminaya tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa sidoo kale taageere u ah xiddiga da’yarka ah ee qaab ciyaareedka cajiibka ah ku jira

Xiddiga 20 jirka ah ayuu wargayska the August issue of World Soccer magazine waydiiyay in uu kala doorto kooxaha Man United iyo Liverpool iyo kooxdii uu ku biiri lahaa labada kooxood.

Waxana uu ku jawaabay”Ma garanyo wax aan yidhaahdo, way adagtahay in laga jawaabo ama laga hadlo mustqbala”.

“Marna ma garan kartida waxa dhici doona sidaas darteed waa in aan sugno oo aan aragno”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*