Jadon Sancho Oo Fariin U Diray Man United

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Dortmund kadib markii uu xagaagii ku fashilmay in uu ku biiro Man United.

Sancho oo qaab ciyaareedka ku dhibaatooday ayaa gool dhaliyay kulankii ay kooxda Dortmund guusha ka saadhay kooxda Leipzig.

Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga laakiin ku fashilantayin ay la soo wareegto sabab la xidhiidha qiimaha oo aad u sareeyay.

Sancho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xilli ciyaareedkan waxa uu ahaa mid igu adag shaqsi ahaa”.

“Haatan waxa aan diirada saarayaa sidii aan u soo ceshan lahaa qaab ciyaareedkayga waxana aan ku faraxsanahay joogista kooxda Dortmund”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*