Jadon Sancho Oo 3 Shardi Ku Xidhay Ka Hor Inta Uuna Ku Biirin Man United

Xiddiga Jadon Sancho ayaa lagu soo waramayaa in uu Man United u sheegi doono in uu kaliya kooxda ku soo biiri doono hadii ay xaqiiqsadaan booska champions League xilli ciyaareedka damne.

Xiddiga Borussia Dortmund garabka uga ciyaara ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Man United waxana uu xagaaga ku soo laaban karaa magaalada Manchester.

Xiddigii hore ee Man City ayaa ka fiirsanaay mustaqbalkiisa inkasta oo ay Borussia Dortmund doonayso in ay sii hayso xiddiga.

Sancho ayaa aad loo qiimeeyaa Wargayska Daily Star Sport ayaana fahamsan in ay United diyaar u tahay in ay ka bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho saxiixiisa.

Laakiin xiddiga reer England ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa u tartamaysa in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe si ay u soo jiidato xiddigaha suuqa xagaaga.

Sancho ayaana doonaya in uu ka ciyaaro champions League xilli ciyaaredka dambe.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu xiddigu kooxda Man United u sheegi doono in uu doonayo in ay kooxdu u soo baxdo champions League hadii ay doonayso saxiixiisa.

Red Devils ayaa u baahan in ay ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya ama kaalinta 5-aad oo ku xidhan in ay Man City ganaax ku seegto champions League xilli ciyaareedka dambe.

shardiga 2-aad ee uu Sancho ka doonayo Man United ka hor inta uuna ku biirin ayaa ah in ay kooxdu tahay mid ka dagan dhanka garoonka duhiisa iyo dibadiisa oo ayna ahayn koox khal-khalksan oo ay xiddigo badan doonayaan in ay isaga tagaan kooxda.

Shardiga ugu dambaysa tahay in uu doonayo in uu ogaado in ay kooxdu u tartamayso koobabka xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Askari Ka Tirsan Ciidamada Somalia Oo Sigaar Dartiis U Dilay Qof Shacab Ah Oo Dil Lagu Xukumay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*