Jack Wilshere Oo Saadaaliyay Meesha Ay Kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea & Liverpool Kaga Dhamaysan Doonaan Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere ayaa saadaaliyay kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub isaga oo kooxaha reer Manchester u saadaaliyyay in ay u awood sheegtaan kooxaha kale.

Xilli ciyaareedka cusub ee premier League ayaa bilaaban doona jimcaha iyada oo ay furi doonaan kooxaha Arsenal iyo Brentford kulanka ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub.

Jack Wilshere ayaa saadaaliyay in ay Man City ku guulaysato premier League sidoo kale u saadaaliyay kooxda Man United kaalinta 2-aad halka uu Chelsea u saadaaliyay kaalinta 3-aad iyo Liverpool kaalinta 4-aad.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayu Jack Wilshere yidhi”Man City ayaa ku guulasan doonta premier League, waxa aan doorbidi lahaa in au United ku guulaysato laakiin United kaalinta 2-aad ayay gali doontaas”.

“Chelsea ayaa gali doonta kaalinta 3-aad halka ay Liverpool gali doonto kaalinta 4-aad, Arsenal 5-aad iyo Leciester City 6-aad”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*