Jack Wilshere Oo Doortay Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Arsenal & Tottenham, Waa Mid Muran Badan Dhalisay.

Jack Wilshere ayaa magacaabay shaxda isku dhafka ah ee Arsenal iyo Tottenham ka hor kulanka North London derby isaga oo ka reebay shaxdiisa xiddiga Tottenham ee Harry Kane.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona Premier League Axada iyada oo labada kooxoodba isha ku hayaan guul muhiim u ah.

Kooxda Arsenal oo kaalinta 5-aad ku jirta ayaa 2 dhibcood ka horaysa kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham tartanka loogu jiro booska champions League.

Laakiin xiddigii hore ee Arsenal Wilshere ayaa sheegay in uu farqi weyn u dhexeeyo xiddigaha labada kooxood iyada oo Harry Kane yahay xiddiga kaliya ee ku dhawaan kara shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood.

“Anigu ma qaadanayo xiddig Tottenham ah haatan”ayuu Wilshere u sheegay talkSPORT.

“Shaxdayda isku dhafka ah dhamaan waa Arsenal, Harry Kane ayaa ah midka ugu dhaw laakiin haatan kuma jiro qaab ciyaareed fiican”.

Isaga oo doortay shaxdiisa isku dhafka ah ayuu yidhi”Ramsdale, Tomiyasu, shaxda ay ah 4-2-3-1, Ben White iyo Gabriel ayaa ka ciyaaraya daafaca dhexe”.

“Daafaca Bidix Kieran Tierney”.

“Haatan Maadama uuna Partey joogin, khadka dhexe waxa aan dooranayaa Lokonga iyo Xhaka”.

“Odegaard ayaa u dooranayaa No.10, garabaha weerarka waxa aan u dooranayaa Smith Rowe. Saka”.

“Lacazette ayaan u dooranayaa weerarka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*