Jack Grealish Oo Wadnaha Goynaya Man City, Talaabo Uu Qaaday Yaa Ka Nixinaysa Pep Guardiola.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa lagu soo warmayaa in uu ka fikirayo in uu iska diido kooxda Man City xagaagan sabab la xidhiidha in uu ka wal-walsanyahay fursadihiisa ciyaarista ee Man City.

Xiddiga reer England ayaa ah xiddig bartilmaameed u ah Man City iyada oo uu Pep Guardiola doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Si kasta ha ahaatee sid laga soo xigtay talkSPORT, Grealish ayaa iska diidi kara in uu ku biiro kooxda Man City waliba doorbidi doona in uu iska sii joogo kooxda Aston Villa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Jack Grealish ka cabsi qabo in uu kaydka fadhiisto maadama ay haatanba jiraan xiddigon tayo leh oo kaydka u fadhiya kooxda Man City.

Dhanka kale Saxafiga Alex Crook ayaa sheegaya in ay kooxda Aston Villa ka fiirsanayso in ay heshiis cusub ka saxiixato kabtankeeda si ay u sii haystaan muddo dheer.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*