Jack Grealish Oo Si Rasmi Ah U Soo Afjaray Wararkii La Xidhiidhinayay Man United, Maxaa Cusub?

Kabtanka Aston Villa Jack Grealish ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda isagoo saxiixay heshiis cusub oo shan sano ah.

24 jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Manchester United ka dib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay sideed gool kooxdiisana ka caawiyay in ay ka sii ciyaarto horyaalka heerka 1-aad.

Grealish ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda sanadkii 2014 waxana uu xirfadiisa ciyaareed ilaa haatan ku qaatay kooxdiisa inkasta oo uu xiiso ka helay kooxo badan.

“Waan ku faraxsanahay in aan mustaqbalkayga u hibeeyo Vlla”ayuu yiri Grealish

“Waa kooxdeyda, gurigeyga aad ayaan ugu faraxsanahay halkan”.

Talaabadan ayaa gabi ahaan meesha ka saaraysa wararka xiddiga khadka dhexe la xidhiidhinaya kooxda Man United isaga oo kooxda sii joogi doona.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*