Jack Grealish Oo Sharaxay Sababtii Uu Isaga Diiday In Uu Ku Biiro Man United Mustaqbalkiisana Ugu Hibeeyay Aston Villa.

Kabtanka kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo 5 sano ah Salaasadii isaga oo soo afjaray wararkii la xidhiidhinayay kooxda Man United xagaagan.

Man United ayaa ahayd kooxda sida weyn loola xidhiidhinayay 25 jirkan laakiin Red Devils ayaa ka wal-walsanayd meesha uu shaxda ka gali doono.

Si kasta ha ahaatee Jack Grealish Ayaa qirtay in ay 50/50 ahayd hadii uu ka tagayo Aston Villa iyo hadii uu sii joogayo isaga oo ka hadlay arintaas kadib markii uu heshiiska cusub saxiixay.

Markii la waydiiyay markii uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda ayuu Jack Grealish Yidhi” Mar walba waxa aan doonayay in aan sii joogo Aston Villa, waa koox iigu dhaw qoys ahaan”.

“Sida iska cad waxa jiray warar sheegayay in aan ka tagayo kooxda xagaaga laakiin sabtidii ayaan la kulmay milkiilaha waxana uu ii sheegay in uu wax walba u samaynayo sidii uu iigu qancin lahaa ujeedka kooxda”.

“Kadib waxa aan la hadlay tababarka waxana wax walba lagu dhameeyay 24 saac gudohood”.

“Sidaas darteed waxa ay ahayd mid aad u fudud markii aan saxiixay heshiiska”.

Markii la waydiiyay in ay 50/50 ahayd in uu ka tago kooxda ayuu Grealish yidhi”Haa, waxa aan soo qaatay xilli ciyaareed fiican sidaas darteed waxa jiray kooxo badan oo xiiso u qabay saxiixayga”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*