Jack Grealish Oo Man City Ka Hor Istaagi Doona Saxiixa Harry Kane, Qaab Noocee Ah.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan awoodi doonin inay la soo wareegto labada Xiddig ee Jack Grealish iyo Harry Kane xagaagan.

Kooxda Premier League ayaa la rumaysanyahay in ay 100 milyan ugu dhawdahay saxiixa xiddiga xiddiga Jack Grealish iyada oo la filayo in ay Aston Villa Aqbasho dalabka kooxda Man City.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in ay Man City dareenkooda u jeedin doonto saxiixa xiddiga Harry kane marka ay dhamaystirto saxiixa Jack Grealish.

Si kasta ha ahaatee wargayska Manchester Evening News, Man City ayaa isaga hadhi doonta saxiixa xiddiga Harry Kane hadii ay dhamaystirto saxiixa Grealish maalmaha soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in u dhaqaaqista Harry Kane ayna dhaqaale ahaan suurtagal noqon doonin hadii ay kooxdu dhamaystirto saxiixa xiddiga Jack Grealish maadama ay Tottenham dalbanayso lacag ka badan 150 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*